Saturday, June 24, 2006     Main Headlines: *Ku Soo Dhawaada Boga Internet-ka ee Wargeyska Maandeeq Media Group*
  PHOTOS

Tifaftiraha MAANDEEQ iyo Agaasimaha maamulka HAVOYOCO waxay hambalyaynayaan arooska Mustafe Sh. Cuma
Tifaftiraha MAANDEEQ iyo Agaasimaha maamulka HAVOYOCO waxay hambalyaynayaan arooska Mustafe Sh. Cuma

  WEEKLY POLLS

Question:
Ma tahay in xisbiyada la dimoqraadiyadeeyo?

Options:
Haa.
Maya looma baahna.
haddaba waa dimoqraadiyadaysan yihiin.
Ma garanayo.

 View Poll Results
 
  LINKS

  Home News

Madaxweyne Rayaale oo la kulmay Wefdi sare oo ka socda Sweden

Hargeysa (Maan)- Madaxweynaha JSL md Daahir Rayaale Kaahin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambaasadoor Mariika Fahlen oo ka socota wasaarada Arrimaha Dibada Sweden iyo dublimaasiyiin ka socda safaaradooda Nairob.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdi Idiris Ducaale isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sidan:
‘’Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Mariika Fahlen oo ka socota wasaarada Arrimaha Dibada ee Sweden ahna ergay gaar ahaaneed oo wasaaradaasi u qaabilsan Wadamada Geeska Afrika oo ay weheliyaan dubilaamisiyiin ka socda safaaradooda Nairobi.

Amb. Fahlen oo Booqasho ku timid dalkan waxa ujeedada socdaalkeeda ay ka tidhi in ay u timid in ay xogogaal u noqoto xaalada dhabta ah ee Somaliland, anigoo bay tidhi hore war buuxa uga hayay haddana waxaan u imid in aan indhahayga ku arko xogtii aan warka ku helay.
Madaxweynaha JSL waxa uu si qoto dheer ugaga waramay ergaygaas xaqiiqada ka jirta taariikhdii Somaliland ee maraga u ah Somaliland in aanay ka mid ahayn Soomaaliya, waxaanu soo qaatay:
1. in Somaliland ay ahayd Maxmiyad Ingiriis ah oo ka hor qaadatay gobanimadii Soomaaliya oo ahayd intii Talyaanigu ka xukumi jiray Soomaali
2. isu taga in ay hooyo u ahayd Somaliland oo damacsanayd midaynta Shantii Soomaaliyeed riyadaasi oo dhimatay.
3. in niyadsamidaa Somaliland lagu khiyaameeyay dareemadii ugu horeeyay ee lagu diidanaa xaqdaradaasi waxaa ka mid ahayd isku day inqilaab iyo aftidii dastuurka oo markaa dastuurkii xilligaa oo ay Somaliland diiday iyo xasuuqii uga dambeeyay ee xukunkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre.
4. halgan qadhaadh ka dib 1991 in aanu dib ula soo noqonay xorrnimadii taasina ay shacbigu mar kale ku go’aansadeen codayntii 2001 ee ay 100%97 ay ku ogolaadeen in aanay dib ugu noqosho lahayn isku tagii aan sharciga ku dhisnayn.

Madaxweynuhu waxa kale oo si buuxda uga waramay xeerarka kala gedisan ee Somaliland, iyadoo cidina ka taageerin heerkan. (Waxaanu nahay buu yidhi Madaxweynuhu) wadanka kaliya ee Afrika dhibaato ka dhacday ee iyagu iskood u xalishay, waxaanu ka xunahay in abaal la nooga dhigo oo naloogu xumeeyo wixii aanu qabsanay dhinicii kale ee aan waxba qabsanina ilaa hadda caalamku taageerayo.
Madaxweynuhu isagoo arrintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi ‘’Kama xumi waxaa lala qabanaayo Walaalahayo , laakiin waxaanu codsanaynaa in aanu anaguna waxaanu xaq u leenahay nalagu taageero oo aan nalagu cadaadin waxbaad qabsateen oo waad wanaagsan tihin’’ waxaanu intaa ku daray in wadankani uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa Qaran Madaxbanaan, waxna aanu ka bedelayn xuduudaha Afrika oo aanu nahay sida wadamada Kale ee Afrikaanka ah u kala noqdeen.
Gabo gabadii waxa uu ergaygu Madaxweynaha ay u sheegtay iyada oo ay ka muuqatay in ay aad ugu qanacday xogtii uu Madaxweynuhu siiyay in arrimaha Somaliland si gaar ah loo eegi doono isaga oo tusaale u soo qaatay shirar dhaqaale loogu baadi goobayo intii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo ay Somaliland ay gaar loo wajihi doono kaalmadeeda.

Kulankaas waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Edna Aadan Ismaaciil’’

Author: Bahda Maandeeq
Email: ()


OTHER NEWS:

UCID OO KA WELWELSAN HANASHADA XILDHIBAANADA XISBIGOODA EE KU JIRA WAKIILADA
Xisbiga UCID ayaa wel wel ka muujiyay hanashada kalsoonida qaar ka mid ah mudanayaasha xisbigooda ee ku jira golaha wakiilada.
...

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFIDIGIISII OO HAATAN KU SUGAN YUGANDHA
Madaxweyne Rayaale iyo wefidigiisii oo haatan ku sugan Yugandha , ayaa Shalay waxa Huteelkii ay deganaayeen ee ku yaalay Magaalo Madaxda dalka Uganda ee Kampala booqasho sharaf ugu yimid Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Md Sam Kutes...

WEFDIGII MADAXWEYNE RAYAALE OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY CAASIMADA KIGALI EE RWANDA
Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay, ayaa Shalay ka degay gagada diyaaradaha ee dalka Rwanda.
...

WEFDIGII SOMALILAND EE UU HOGAAMINAYAY MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO BOOQDAY TANZANIA
Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale , ayaa wefdigiisii si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Daarasalaam ee dalka Tansaaniya, halkaasi oo uu madaarka ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka dalkaasi.
...

‘DADKA SOO HALGAMAY MA CAWDAAN OO WAXA AY SOO MAREEN DHIB ADAG’’ MD TALLAABO
Munaasibad balaadhan oo qayb ka ah xuska Maalinta Carruurta Afrika 16-ka June ayaa maalintii Khamiistii galinkii danbe lagu qabtay garoonka kubadaha gacmaha ee xarunta Agoomaha Hargeysa.
...

WARGEYSKA JAUNE AFRIQUE AYAA WARBIXIN DHEER OO KA HADLAYSA DHINACYADA SIYAASADDA, DHAQAALAHA IYO T
Wargeyska Jaune Afrique ayaa warbixin dheer oo ka hadlaysa dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo taariikhda siyaasadeed dhawaan ka qoray Somaliland.
...

XUKUUMADA SOMALILAND OO U FASAXDAY GANACSATADA SOO DEJINTA SHIDAALKA
Xukuumada Somaliland , ayaa shalay daboolka ka qaaday inay fasaxday in muwaadiniinta...

‘SOMALILAND WAXAY SAMAYNAYSAA HORUMAR MUUQDA DHINACA AQOONSIGA CAALAMIGA AH EE DAWLADNIMO’
Socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Kiiniya ayaa waxaa wax ka qoray Kipkoech Komugor oo jooga Nayroobi, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:
...

WASIIRKA CADDAALADA OO KA QAYB GALAYA SHIR LAGU QABANAYO SUUDAAN
Wasiirka wasaaradda Cadaalada Md Axmed Xasan Cali ‘’Casoowe’’ oo ay weheliyaan saraakiil kale ayaa shalay u ambabaxay caasimada dalka Sudan...

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFDIGIISII OO
‘Socdaalkaygani waxa uu ka mid yahay dedaalka aan ugu jiro in Fariinta ummada Somaliland aan gaadhsiiyo dalalka Afrika’
Md Rayaale...

GUDDIDA WANAAG FARISTA IYO SOCDAALKOODII NABADEED EE DAROOR
Markii aanu maqalnay in shaqaaqo ka dhacday magaalada Daroor iyo deegaamada hoos yimaad ayaa guddida wanaag faristu sidi caadada u ahayd ee looga bartay ilaalinta Nabada iyo amaanka ummadan.
...

KHADKA ISGAADHSIINTA TELESOM
Khadka isgaadhsiinta shirkadda Telesom ayaa habeen hore la hagaajiyay ka dib markii adeega Isgaadhsiineed ee gobolka Awdal ee gabi ahaanba go’naa Afartii maalmood ee la soo dhaafay.
...

‘GOOSASHADA SOMALILAND WAXA SABABAY KHALADAADKII HORE LOOGU SAMEEYAY’ SH. SHARIIF
Bashiir Good oo madax ka ah Shabakada wararka ee Awdal News ayaa waraysi la yeeshay gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
...

FRANCOIS LONSENY FALL OO GOLAHA AMAANKA WARBIXIN KA SIINAYA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA
Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa isagoo jawaab ka bixinayay dagaalada Baahsanaa ee dhawaanahan ka dhacayay Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ay khusayso inay wada hadlaan oo ay joojiyaan wixii keenaya daganaansho la’aan.
...

MADAXWAYNE RAYAALE OO SOCDAAL KU TAGAY BARIGA AFRIKA
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay socdaal hawleed ugu kicitimaan dalal ka tirsan Bariga Afrika.
...

WARBIXIN AY SOMALILAND KA QORTAY WARGEYSKA (INTERNATIONAL MAGAZINE JEUNE AFRIQUE)
Jamhuuriyada Somaliland ayaa kala kulantay Midowga Afrika: iska indhotir ismoogaysiin iyo dananayn la’aan ay sababtu tahay aragtidii hore ee midowga afrika ee ahaa in Somaliland tahay dal ka goostay xubin ka mid ah ururkaas Midowga Afrika.
...

GOLAHA WAKIILADA OO SI ADAG UGA DOODAY XEERNIMAADIYAHA GARSOORKA
Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa fadhigoodii shalay waxay si adag uga doodeen xeernidaamiyaha Garsoorka oo ay indhawyadba doodiisa ku jireen.
...

WASAARADA WAX BARASHADA OO JAWAAB KA BIXISAY DHALIILO KA SOO YEEDHAY GUURTIDA.
Wasaarada Wax barashada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay dhaliilo dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo naqdiyay hanaanka wax barasho ee dalka....

TAAGEERAYAASHII ABU MUSAB AL-ZARQAWI OO SHEEGAY INAY AARGOOSAN DOONAAN
Kooxda Al-qaacida ee Ciraaq oo ah taageerayaasha abu Musab Al-zarqawi ayaa sheegay inay qaadayaan weeraro waawayn oo ay la beegsanyaan ciidamada xulafada ah e jooga ciraaq ee uu hogaamiyo maraykanku....

MADAXWEYNE RAYAALE LA KULMAY ERGAYGA GAAR AHAANEED EE XOGHAYAHA GUUD EE QARMADA MIDOOBAY U QAABILSAN
Madaxweynaha Jsl Md Daahir Rayaale Kaahin , ayaa caawa casho sharaf u sameeyay ergayga gaar ahaaneed ee Xoghaya guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb Francois Fall oo uu Weheliyay wakiilka UNDP-da Mr Eric iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.
...

WAA IN LA AQOONSADO SOMALILAND SI LOO BADBAADIYO DIMUQRAADIYADA KA HIR GASHAY
Warsaxaafadeed ay soo saartay maalintii Khamiistii ee dabayaaqadii toddobaadkii hore hay’adda UNPO...

DOODA WAKIILADU YAANAY NOQON MID WAXYEESHA HIMILADA UMMADA
Weedha wargeyska...

QAYBE OO KA DIGAY MURANKA SIYAASADEED , ISLA MARKAANA SAADAALIYAY AQOONSIGA JSL
Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Md Axmed Maxamed Aadan ‘’Qaybe’’ ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Nabad gelyada Somaliland, isla markaana saadaaliyay in dalkani uu heli doono aqoonsi caalamiya.
...

KANADA OO 17 QOF KU XIDHAY TUHUN ARGAGAXISO.
Booliska Kanada ayaa qabqabtay 12 qof kuna soo oogay Dacwad ay ku sheegeen in ay qorsheenayeen olole si qarxin ah oo ay ku lug lee dahay Al-Qaida Gudaha iyo heeraha Magaalada Toronto.
...

DIBLUMIAASI SHIINE AH OO DIFAACAY SIYAASADA DALKIISA EE AFRIKA
Diblimaasi sare oo shiine ah ayaa si xoogan u difaacay xidhiidhka dhaqaale ee koraya ee dalkiisu uu la yeeshay dalal ku yaala qaarada Afrika oo ay ku jiraan Sudaan iyo Zimbabwi.
...

MIDOW AY YEESHAAN DALALKA SIDA SOMALILAND IYO TAIWAN AYAY KU GAADHI KARAAN AQOONSI
Saraakiisha Dalka Taiwan ayaa inta badan maqla talaabooyinka uu shiinuhu ku diidan yahay in Taiwan loo la dhaqmo sidii dal Madax banaan...

“MAHAD BALAADHAN AYAAN U JEEDIANYAA MADAXWEYNAHA OO AHAA NINKII XILKA II MAGACAABAY OO HADANA YIDHI
Wasiirkii hore ee Wasaaraddaa Arrimaha Gudaha JSL Mudane Ismaaciil Aadan Cisman, ayaa xilkii Wasaaraddiisa si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Aadan Muxumed Diiriye (Waqaf), kadib markii Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu 29 Bishii May xilkii ka qaaday Wasiirkaasi.
...

30 KA MIDA SUXUFIYIINTA SOOMAALILAND OO TABABAR UGA FURMAY BURCO
Tababar socon doona mudo 3 cisho oo lagaga hadlayo doorka Saxaafadu ku leedahay la dagaalanka cudurka Hiv/Aids oo ay ka qayb galayaan in ka badan 30 suxufiyiin oo ka kala socda hay’adaha warbaahinta ayaa Shalay si rasmiya uga furmay magaalada Burco ee Gobolka togdheer.
...

XUKUUMADDA OO BAAQ U JEEDISAY XURGUFTA DAROOR
Hargeysa (Maan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo Dagaalka Mashaqada Nasiib darrada ah ee ku dhacday laba qabiil oo dega Deegaanka Daroor iyo agagaarkeeda ee kililka shanaad ee dalka Itoobiya.
...

XIL KA QAADISTA ISMAACIIL YARE WAXAY NOQOTAY MID AY MUCAARIDKU KU FARXAAN
Hadal haynta wasiirkii laga wareejiyay xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa maalmahan noqotay mawduuca ugu xasaasisan ee dhex yaala Bulshada....

WARGEYSKA YEMAN TIMES OO QORAY IN DAWLADDA YEMAN AY AMARTAY IN LA HAKIYO LO’DA LOOGA DHOOFIYO SOMA
Yeman iyo Maamulka C/laahi Yuusuf oo Somaliland ku eedaynaya dagaallada ka socda Muqdisho...

GUDDIDII MADAXWEYNUHU U SAARAY BAADHISTA CABASHADA CIIDANKA ILAALADA OO HAWSHODII GUDA GALAY
Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray Salaasadii baadhitaanka sababtii keentay inay ciidamo ka tirsan Ciidanka Ilaalada hay’adaha Ajaanibku ay cabasho ku galaan xarunta golaha wakiilada ayaa shalay si rasmiya u gudo galay hawshii loo xil saaray.
...

MADAXWEYNAHA OO HAMBALYO U DIRAY MUJAAHIDIINTII 31 MAY
Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhambaal hambalyo u diray Mujaahidiinta halgankii xoraynta awgeed munaasibada 31-ka May ee ku beegan soo gelitaankii Hargeysa sanadkii 1988-kii.
...

WASIIRKA WARFAAFINTA OO JAWAAB KA BIXIYAY HADALO KA SOO YEEDHAY CALI KHALIIF GALAYDH
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta JSL Md C/laahi Maxamed Ducaale , ayaa shalay ka jawaabay war jariirada Ogaal ka soo xigatay siyaasiga dibad meerka ah Cali Khaliif.
...

GUURTIDA OO ERGO UGU BAXDAY DAROOR
Guddi 12 xubnood ah oo ka socday golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay galab u ambo baxay sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqo iyo dagaal ka dhacay agagaarka deegaanka Daroor ee kililka shanaad ee dalka Itoobiya...

DHAQ-DHAQAAQYADA AXSAABTA SIYAASADA IYO DAREENKA SHACBIGA AWDAL
Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland UDUB, KULMIYE iyo UCID, ayaa magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ka bilaabay maalmahan dhaq dhaqaaq iyo dib u habayn ay ku samaynayaan xafiisyadooda degmooyinka gobolka Awdal.
...

MADAXWEYNE RAYAALE OO XILKII KA QAADAY WASIIRKII DAAKHILIGA IYO TALIYIHII BOOLIISKA
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa laba xeer oo uu soo saaray maanta xillalkii kaga qaaday wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan iyo taliyihii guud ee ciidanka booliiska kol....

YAAN BULSHADA LAGU MASHQUULIN BUUN BUUNINTA XUMAANTA.
Runtii Somaliland oo in badan la tiicaysay hirgelinta qodobada aasaasiga iyo dastuuriga ahba si ay u hirgeliso sharuudaha dowlad taam ahi yeelankarto...

GUDOOMIYAHA WAKIILADA OO ASKARTII CABASHADA LA HOR TAGTAY FARAY IN AANAY DHAQ DHAQAAQ DAMBE SAMAYN
Ilaa 50 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska ee ilaaliya Nabad gelyada iyo Amaanka hay’adaha dalka ku sugan......

MARWO IKRAAN OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY BERBERA
xildhibaan Ikraan X. Daa’uud iyo wefdi ay hogaaminayso, ayaasi weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Saaxil oo ay booqasho hawleed ku tagtay.
...

TALLAABADA ASKARTA GADOODAY WAA FICIL KHALDAN
Weedha Wargeyska...

YAA DALKAN HORUMARIN KARA?
Haddaba waa hagaage siyaasad aan Dhaqaale lahayni halkay inoo wadaa?...

LABA MUDANE OO INGIRIIS AH OO U ABAABULAYA 20 MUDANE OO KA TIRSAN 3-DA XISBI EE SOMALILAND ARRINT
Shir lagaga hadlayay Somaliland oo ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska...

MAY,21,2006:ANOTHER 26 JUNE
I would like to start my Somaliland Independence commemorations with Mohamed Suleiman's 1960 Master Piece-song...

MAY,21,2006:SOMALI HISTORY: THE GOOD, THE BAD AND THE UGLY
While surfing the net aimlessly on a rainy day, dispirited by the carnage and bloodshed in Mogadishu, I came across an old song by our late national treasure, Magool that brought tears to my eyes and transported me to another time and place....

GUURKA WANAAGSAN IYO FURIINKA: XAALADDA SOOMAALIDA
Marka aynu niraahno guurka wanaagsan, macne ahaan maxaynu kawadnaa ama aanu uga golleenahay? Erayga guur waa eray aad iyo aad caan u ah ee uu qof walba oo Soomaali ah garanayo....

G/XIGEENKA WAKIILADA OO KA DAYRIYAY WADA SHAQAYNTA XUKUUMADA IYO WAKIILADA
Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay Ansixiyay Ajandaha kalfadhigoodan labaad oo ka kooban Shan qodob oo ay ku jiraan sodomeeye xeer nidaamiye oo ay wax bedel iyo kaabis ku sameynayaan.
...

BAANKA OO GUDDIDA BIRIIJKA UGU DEEQAY LACAG ADAG
Baanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay shan kun oo Doollar ugu deeqay dib u dhiska Biriijka Labaad ee magaalada Hargeysa.
...

AGAASIMAHA XARUNTA SOLJA OO HADAL KA JEEDIYAY SHIR KA DHACAY WOQOOYIGA SWEDEN
Agaasimaha xarunta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Xasan Cabdi Madar, ayaa hadal dheer oo qoraal ah ka jeediyay shir ka dhacay waqooyiga dalka Sweden...

DUQA BERBERA OO BALLAN QAADAY FULIN MASHAARIICEED
duqa magaalda Berbera Siciid Daa’uud Cilmi ayaa sheegay in ay D/hoose ee magaalada bebera...

SOMALILAND WAA XAQIIQO MUUQATA OO KA DUWAN SOOMAALIYA
‘Hawl galka la dagaalanka aragagaxisada wuxuu u baahan yahay in saaxiibo cusub oo sida Somaliland la gaadhsiiyo’

By: J. Peter Pharm
...

WAAYIHII CIIDAMADA MARAYKANKA EE DAGAALKII MUQDISHO
Waa qoraal taxane ah...

FAAQIDAADA TODOBAADKA:-QOFKA DIINTA FAAFINAYA HA AHAADO MID LEH AQOON DIINEED MA FIDNAA?
Wadaadada aqoonta diineed leh ee reer Somaliland ma aha kuwo looga shaki qabo inay ka mid yihiin ururka Alitaxaad ee ka hawlgala dalka Somaliya...

TABABAR LA XIDHIIDHA SUUQAYNTA DALAGYADA BEERAHA OO LAGU QABTAY AWDAL
Isu-duwaha wasaarada Beeraha Gobolka Awdal...

GABADH QABTA HIV/AIDS OO IS CADAYSAY
Hargeysa (Maan)- Kawsar Axmed Maxamed, ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee reer Hargeysa oo qiratay in uu hayo cudurka HIV/AIDS
...

SADDEX KA MID AH GANACSATADA WAAWEYN OO KU YABOOHAY LACAG ADAG
Saddex xubnood oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ayaa markii ugu horeysay qaadhaan lacageed oo dhan Boqol iyo Labaatan kun oo Doollar ugu yaboohay dhismaha Biriijka labaad ee Hargeysa...

FAAQIDAADA TODDOBAADKAN:- MA LA YARAYN KARAA MUSUQA?----MUSTAFE SHIINE
Su’aasha ah ma la yarayn karaa musuq maasuqa? Waa su’aal qofba uu si u arki karo,haseyeeshee waxa haboon in si nasteex ah looga fakiro...

GOLAHA DEEGAANKA OO ANSIXIYAY MIISAANIYADA DAWLADA HOOSE EE 2006
Hargeysa (Maan)- Golaha deegaanka magaalada Hargeysa , ayaa fadhigoodii ugu dambeeyay madashii 34 ku ansixiyay Miisaaniyada 2006...

TALIYIHII HORE EE CIIDANKA BOOLISKA OO SI HEER QARAN AH LOO AASAY
Hargeysa (Maan)- Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Col C/qaadir Muuse oo habeenimadii Axadii ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa shalay duhurnimadii lagu aasay xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeysa....

‘GOLAHA GUURTIDU SHAQADOODA MAAHA XILDHIBAANADA BAXAYA’ :-MD BAASHE
Hargeysa (Maan)- Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax , ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta golaha , waxa uu ku daadifeeyay in aanay guurtidu ku shaqo lahayn xildhibaano la sheegay in saddex mudane oo ka tirsan aqalka wakiilada oo uu sheegay in casuumay inay ka qayb galayaan shir muddo 2 cisho socon doona oo 23 Bishan April ka furmaya Nairobi oo lagaga hadlayo qaabkii doorashooyinkii Baarlamaanku inoogu qabsoomeen....

ISBEDEL LAGU SAMEEYO G/XUKUUMADA WAA DOONISTA SHACABKA:-SHIINE
Isbedel lagu sameeyo golaha wasiirada JSL waa shaqo u taal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,waana qodob uu siinayo distoorka dalku,haseyeeshee hadal haynta arrintani waa fakir ay fulintiisa danaynayaan shacbi weynaha soo doortay hogaamiyaha dalka....

MAXAA LAGA FILAYAA SOCDAALKA MADAXWEYNAHA
Safarkii ay Madaxweynaha iyo wefdigiisu ugu amba baxeen dalka Yaman Axadii...

KULANKA MADAXWEYNE RAYAALE EE CALI CABDALLA SAALAX
Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka shaqo ku joogay dalka Yaman , ayaa maalintii shalay la kulmay Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax.
...

GUDDI WASAARADA MAALIYADA AH OO NATIIJO KA GAADHAY FADEEXADII XAFIISKA CASHUURAHA BERRIGA BURCO
“Waxay soo saareen lacagtii lagu eedeeyey khasnajiga lacag ka badan”


...

KA QAYB GALKA NAAFADA EE CIYAARAHA DALKA
Munaasibad lagaga hadlayay sidii dadka Naafada ah loogu dhiiri gelin lahaa ka qayb qaadashada Noocyada kala duwan ee ciyaaraha...

MADAXWEYNAHA OO MAANTA FURAYA MASHAARIIC SOCONAYA SHAN SANO
Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale, ayaa Maanta furaya Mashaariic soconaysa muddo shan sanadood , oo ku saabsan wacyi gelinta cudurka HIV/AIDS .
...

GOLAHA WAKIILADA OO ANSIXIYAY MOOSHIN KA DHAN AH HAY¡¦ADA CARE
Golaha Wakiilada JSL, ayaa shalay cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Mooshin la xidhiidha Hay¡¦ada Care, oo ay golahaasi hor keeneen 20 Mudane.
...

MADAXWEYNE KU XIGEENKA KA QAYB GALAY KULAN MARTIQAAD QADO SHARAF
Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay ka qayb galay kulan martiqaad qado sharaf ahaa oo wasiirka xidhiidhka Golayaasha Md Cabdi Xasan Buuni uu Mudanayaasha Labada Gole ee Guurtida iyo wakiilada ugu sameeyay huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.
...

QAAR KA MID AH ARGAGAXISADII OO DIB LOO QAB QABTAY KA DIB MARKII AY FAKADEEN
Lix ka mid ah kooxdii Argagaxisada ahayd ee ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa gacanta lagu soo dhigay , ka dib markii ay Makhribnimadii shalay ka daateen Xabsiga.
...

CALI MASRUI IYO XUBNO WASIIRO AH OO KU SOO LAABTAY HARGEYSA
Qoraaga caanka ah ee Cali Masrui iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada, ayaa Maalintii Arbacadii ka soo laabtay socdaal ay ku tageen magaalada Caasimada u ah Saaxil ee Berbera...

PROF MAZRUI OO HADAL KA JEEDIYAY FADHIGII WADA JIRKA AHAA EE BAARLAMAANKA
Aqoonyahanka iyo qoraaga caanka ah ee dalka Kenya Prof Cali Mazrui ayaa shalay khudbad ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiilada) ku yeesheen xarunta golaha Guurtida Somaliland...

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA EE AFGANISTAAN OO SHAQADA LAGA ERYAY
Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Afganistaan Cabdalla Cabdalla oo xubin ka ahaa xukuumada Xaamud Karasaay ayaa ku waayay shaqadiisa isku shaandhayntii ugu horeysay ee uu ku sameeyo Mr Karasaay Xukuumadiisa...

SHIR HAWLEED LAGU QIIMAYNAYO TABABARADII SUXUFIYIINTA OO FURMAY
Wasiirka wasaarada Warfaafinta JSL Md C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa shalay furay shir hawleed lagu qiimaynayo Mashruucii tababarka suxufiyiinta ee ay fulinaysay Hay’ada BBC World Trust ....

WASIIRKA WAXBARASHADA OO DEEQ GUDOONSIIYAY AFAR DUGSI
Wasiirka wasaarada Waxbarashada Xasan X. Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud iyo gudoomiyaha gobolka ee waxbarashada, ayaa shalay gudoonsiiyay afar dugsi oo ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee Hargeysa deeq qalaba ah oo ay ardayda Somaliland ugu deeqeen hay’ado dalka Maraykanka ah.
...

‘WASAARADA DHAQANKU WAXA AY GACANTA KU HAYSAA RAADAD TAARIIKHEED OO KA QIIMO BADAN KUWA MASAR’
Guddida Joogta ah ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay xog waraysi ku wajahan raadadka taariikheed hore ee dalka la yeeshay wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Md Cismaan Cali Bille.
...

BARNAAMIJKA MASKIIN KAL-KAAL OO 102-QOYS RAASHIN U QAYBIYAY
Hargeysa (maan)- Waxa Magaalada Hargeysa xaafado ka mid ah ka jira Hawl gal la magac baxay ‘’Maskiin Kal-kaal’’.
Kaasi oo ah mashruuc lagu quudinayo dadka danyarta ah ee aan Nolol Maalmeedka caadiga ah kari karayn
...


All Rights Reserved With

Best Viewed With IE 4.0 or Above, with 800x600 Monitor Resolution.

Site map MaanDeeqNews.Net - waa wargeys madaxbanaan oo hargeysa ka Soo baxa